Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tahriibayaal ku Dhintay Badda Cas


Tahriibayaal ku Dhintay Badda Cas
Tahriibayaal ku Dhintay Badda Cas

Ugu yaraan 13 qof ayaa dhintey, 8-kalena waa la la' yahay kaddib markii ay la degtay doonidii ay la socdeen oo ay cilladi ku timid. Dadkaasi ayaa isugu jiray Somali iyo Ethiopian.

Ciidamada badda ee Maraykanka ayaa sheegay in ugu yaraantii 13 qof ay dhinteen, 8-kalena la la' yahay kaddib markii ay la degtay doonidii ay la socdeen oo ay cilladi ku timid.
Ciidamada Badda ayaa bad-baadiyay 61 qof oo tahriibayaal ah oo isugu jira Soomaali iyo Ethiopiyaan
Maalintii axadda ahayd, ciidamada badda ee Maraykanka ee xaruntoodu tahay Bahrain ayaa arkay doonidaasi oo ay ka buuxeen dadka tahriibayaasha ah oo badda dul-sabeynaysa kadib markii cilad ay ku timid mishiinkii doonidaasi.
Ciidamada Baddu waxay doonidaasi u jiideen dhinaca iyo dalka Somalia.
Doonidaasi ayaa degtay kaddib markii dadkii doonidaasi saarnaa ay isugu wada tageen dhinac ka mid ah doonidaasi kadibna ay biyo soo galeen doonida.
Dhinaca kalena wakaaladda wararka ee wadanka Yemen SABA ayaa isniintii shalay ahayd ku warrantay in ay ciidamada amnigu ay qabqabteen 217 qof oo Afrikaan ah oo si dhuumasho ah ku soo galay dalkaasi.

XS
SM
MD
LG