Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaalida iyo Fadhi ku dirirka


Soomaalida iyo Fadhi ku dirirka
Soomaalida iyo Fadhi ku dirirka

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Somalia, waxyaabaha kusoo batay dalka waxaa kamid ah “Fadhi Ku Dirirka,” oo noqday dhaqan si weyn ugu baahaya Soomaalidu meel walba oo ay joogaan.

Goobaha lagu fadhi ku diriro waxaa lagu qaadaa dhigaa marxaladda siyaasadeed ee dalka, gobolka, magaalada ama xitaa beesha. Waxaa kaloo si aan cilmiyeysneyn looga doodaa aragtiyada kala duwan ee ay dadku ka qabaan siyaasadda.

Dadka goobahan isugu yimaada ayaa ka kooban odoyaal iyo dhalinyaro, waxayna qaarkood ku doodayaan in goobtani ay tahay meel waqtiga lagu lumiyo oo laga helo xogta ama wararka xilligaasi jira, balse dadka qaarkood ayaa iyaguna ku doodaya in goobaha fadhi-ku-dirirku ay ka qeyb qaataan buun-buuninta iyo fidinta warar been abuur ah oo dhaliya collaad ka dhex dhasha qabaa’illada.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso warbixin ka hadlaysa fadhi-ku-dirirka oo ay soo dirtay weriyaha VOA Bossaso Faadumo Yaasin.

XS
SM
MD
LG