Soomaali ku xiran meelo kala duwan oo caalamka ah ayaa, la filayaa in laga soo saaro xabsiyada ay ku jiraan islamarkaana dib loogu celiyo Soomaaliya.
Soomaalidaasi ayaa ka mid ah kuwo ku xiran garoonka diyaaradaha ee Jomma Kenyatta ee dalka Kenya, Mombassa iyo Seychelles.
Waxaa kaloo jira Dhalinyaro Soomaaliyeed oo iyaguna ku xir xiran dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, Maldive, Yemen, Holland, Jarmalka iyo dalal kale.
Agaasimaha la dagaalanka burcadbadeeda ee Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir oo gacanta ku haya hawsha dib u soo celinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee dibadaha ku xirxiran ayaa VOA-da u sheegay in tirada guud ee Soomaalida ku xir xiran dalka dibaddiisa ay ka badan tahay 700.