Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo ka hadashay Khilaafka Golaha Wakiilada


Somaliland oo ka hadashay Khilaafka Golaha Wakiilada
Somaliland oo ka hadashay Khilaafka Golaha Wakiilada

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sheegay inaan hoos loo soo dhigayn tirada mudanayaasha ridi kara shir guddoonka.

Xukuumadda Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay kala khilaafka ku kala dhex jira xubnaha golaha wakiilada ee iyagu ku kala qeybsamay mooshin la xiriira in hoos loo dhigo tirada mudanayaasha ee ridi karta shir guddoonka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici ayaa sheegay in ay ku hawlan yihiin dhex dhexaadinta xubnaha golaha wakiillada. Wuxuu sheegay in xukuumaddu aysan dooneyn in hoos loo soo dhigo tirada xildhibaanada ee xilka ka xayuubin karta shir guddoonka.

Mr. Saylici wuxuu sheegay in saddex meelood labo meel ay dantu ku jirto, si loo ilaaliyo nabadgelyada iyo horumarka.

XS
SM
MD
LG