Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Guddoomiyaha Wakiilada oo ka hadlay Mooshin Cusub


Somaliland: Guddoomiyaha Wakiilada oo ka hadlay Mooshin Cusub
Somaliland: Guddoomiyaha Wakiilada oo ka hadlay Mooshin Cusub

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka hadlay mawqifkiisa ku aaddan Mooshin shalay la soo bandhigay oo ku saabsan qaabka xil ka qaadista shir-guddoonka golaha.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro) ayaa isaga oo ku sugan dalka Finland waraysi gaar ah siiyay laanta af soomaaliga ee VOA.

Mar wax laga weydiiyay sida uu u arko mooshin ay shalay soo bandhigeen koox xildhibaano ah , kaasi oo ku saabsan sidii hoos loogu dhigi lahaa tirada xildhibaanada ee sharcigu u ogolyahay in ay codsadaan in xilka laga qaado shir-guddonka Golaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu talaabadan u arko mid qayb ka ah dimuqraadiyadda isla markaana ay suurtagal tahay haddii loo soo maro sida uu sharcigu dhigayo.

Arrimaha kale ee uu ka hadlay guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro ) ayaa waxa ka mid ahaa socdaal uu ku soo maray dhowr dal oo qaaradda Yurub ah oo uu kula kulmay baarlamaanada wadamadaasi.

Waraysiga guddoomiyaha oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG