Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaramada Midoobay oo Hakisay Shaqaalaha Imanaya Muqdisho


Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay si ku meelgaar ah u dhimayso shaqaalaheeda Muqdishu kadib weerarkii loo adeegsaday hoobiyaha ee maalintii Talaadada ee tododbaakdii horey ka dhacay garoonka diyaaradaha oo ay ku dhaawacmeen laba qof oo shaqaale ah.

Qaramada Midoobay ayaa ogaysiis ay u dirtay shaqaalaheeda u sheegtay in tallaabada loo qaaday in taxaddar la sameeyo, waxayna shaqaalaheeda imanayey magaalada Muqdishu maanta oo Axad ah ku amartay inay si ku meelgaadh ah ugu sii nagaadaan magaalada Nayroobi.

XS
SM
MD
LG