Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dawladda iyo AMISOM oo Guluf ku Qaaday Al-Shabaab


Ciidamada dawladda iyo kuwa Midowga Afrika ee loo yaqaan AMISOM ayaa saaka weerarro ka bilaabay Gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.

Ciidamo aad u hubaysan oo ah kuwa AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya ee SNA ayaa saacadihii hore ee saaka qabsaday degaanka Golweyn, iyaga oo kusii jeeda magaalada Buulo Mareer.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa VOA u sheegay in laba weerar oo kedis ah ay aal-Shabab ku soo qaadeen saaka ciidamada balse laga itaal roonaaday dhinaca al-Shabab.

Dhinaca kalena wararka naga soo gaadhay Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa iyaguna sheegaya in ciidamada dawladda ay hawlgallo ka bilaabeen inta u dhaxaysa Mahaday iyo Buula Barde iyaga oo kusii jeeda degaanka Fiidow.

Weerar kale oo ay qaadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda ayaa isna la sheegay inuu ku wajahan yahay Biyo Cadde ee isla gobolka Shabeellada Dhexe.

Hoos ka dhagayso waraysiga Guddoomiyaha Shabeellada Hoose

Guddoomiyaha Sh/Hoose
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:47 0:00

XS
SM
MD
LG