Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia: Macluul ka dilaacday Goobo Cusub


Somalia: Macluul ka dilaacday Goobo Cusub
Somalia: Macluul ka dilaacday Goobo Cusub

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in saddex goobood oo cusub oo koonfurta Soomaaliya ka mid ah ay macluul ka jirto.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in macluul ay ku fidday saddex meelood oo cusub oo koonfurta Soomaaliya ka mid ah, oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Warbixin Arbacada maanta ah la soo saaray waxaa lagu sheegay in xaalado macluul ah ay ka jiraan Shabellaha Dhexe, Afgooye iyo Muqdisho.

Waxay warbixintu sheegtay in heerarka nafaqadarrida iyo dhimashadu ay ka gudubtay xadka lagu karto macluusha, dhammaan saddexdaasi goobood ee la soo sheegay.

Qaramada Midoobay waxay bishii la soo dhaafay ku dhowaaqday gobollada Bakool iyo Shabeelaha hoose in macluul ay ka jirto.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in jawaabta gargaarka ah ee la bixiyay aysan ahayn mid ku filan, taasoo ay ugu wacan tahay dhibaatooyin ka jira maalgelinta, tas-hiilaadka iyo dariiqa.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale saadaalisay in macluushu ay ku fidi doonto todobaadyada soo socda, dhammaan koonfurta Soomaaliya, ayna sii jiri doonto ilaa bisha December.

Warbixin arrintaas ku saabsan qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG