Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka oo Mamnuucay DP World


Berbera Port

Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey sharci waxba kama jiraan ka dhigaya heshiis kasta oo lala galay shirkadda ay leedahay dawladda Imaaraadka Carabta ee DP World.

Sharcigan ayaa sidoo kale ka mamnuucaya shrikadda DP World gebi ahaanba dalka Soomaaliya.

Sharcigu waxa uu sheegayaa in dawladda federaalka Soomaaliya ay tahay tan keliya ee Soomaaliya u geli karta heshiis caalami ah.

Sharcigu waxa uu ku eedeeyey DP World iny ku xadgudubtay siyaasadda, madaxbannaanida, midnimada iyo bedqabka waddanka.

Sharcigan ayey tahay inuu ansixiyo Aqalka Saree ee Baarlamaanka kadibna waxay u tegi doonaa madaxweynaha si uu u ansixiyo.

Dhowaan ayey heshiis wada galeen Somaliland, DP World iyo Itoobiya oo ku saabsan dekedda Berbera, heshiiskaas oo dawladda Soomaaliya ay ku tilmaantay sharcidarro halka Somaliland ay ku adkaysatay inay xaq u leedahay inay gasho heshiiskaas.

Warbixintan waxa Muqdisho ka soo direy Cabdiqaadir Maxamed Cabdulle.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:05 0:00

Dhinaca kale, waxaan maanta la xiriirmay dhinaca Somaliland si aan jawaab uga helno ilaa haatanna nooma aysan suurto gelin.

Haseyeeshee, waraysi uu maalintii shalay siiyey idaacadda VOA, wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland, Sacad Cali Shire, ayuu kaga hadlay diidamada dawladda Soomaaliya ee heshiiskan, waxaana uu sheegay inay xaq u leedahay gelitaanka heshiiskaas. Jaamac Buulle Jaamac ayuu u warramay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:58 0:00

Haddaba falanqaynta heshiiskan ayaa Maxamed Cabdi Sandheere uu kala sheekaystay Maxamed Xuseen Gaas oo cilmiga xiriirka caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda Oslo ee dalka Norway.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:17 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG