Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia: Afduubka Caruurta oo laga Digay


Somalia: Afduubka Caruurta oo laga Digay
Somalia: Afduubka Caruurta oo laga Digay

Caruurta la afduubto waxaa la aaminsan yahay in lagala baxo xubnaha muhiimka ah ee jirkooda.

Afduubka iyo ka ganacsiga caruurta ayaa noqday dhibaatooyin ka jira dalka Soomaaliya. Sanad walba waxaa la afduubaa caruur iyadoo ay jiraan waalidiin la’ caruurtooda meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Haddaba Hay’adda gargaarka iyo horumarinta Geeska Afrika ee ee HADO oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ayaa sheegtay in halistaasi ay tahay mid jirta una baahan in wax laga qabto.Cabdiqani Daahir Yuusuf madaxa hay’adda HADO oo jooga magaalada Nairobi, ayaa ugu baaqay maamullada iyo waalidiinta inay ka taxadaraan caruurta.

XS
SM
MD
LG