Cadulaahi Colaad Rooble oo ay walaalo ahaayeen wasiirka kuna hayay Isbitaal ku yaallay Magaalada Riyaadh ayaa VOAda u xaqiijayay geerida wasiirka.
Suleymaan Colaad Rooble oo 47 jir ah ayaa u geeriyooday dhaawac dhinaca madaxa ah oo ka soo gaadhay qaraxii Hotel Shamow ee 3dii December ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wasiirka Ciyaaraha ayaa noqonaya wasiirkii 4aad ee u geeriyooda Qaraxii Shaamow.
Wasiirul dawlaha xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Khalid Cumar Cali ayaa VOAda isaguna u xaqiijiyay dhimashada wasiirka, waxaana uu xusay in DKMG ay xidhiidh la samaysay dawladda Sucuudiga si loo iskula meel dhigo qabanqaabada aaska Marxuumka.
Wareysiga wasiirka midigta sare ka dhagayso.