Xaflada xalay ka dhacday Aqalka cad ee Mareykanka ee magaaladan Washington ayaa abaal marin sharafeedka loo yaqaan “Champions of Change” oo macneheeduyahay hormuudka isbdelka lagu gudoonsiiyay, 14 xubnood, oo kaalimo muhim ah kaga jira Mujtamacyada qurbajoogta Mareykanka, gaar ahaan kuwa asal ahaan ka soo jeeda geeska Africa.
Dadkaasi abaal marinta la gudiinsiiyay waxaa ka mid ahaa shan qof oo Soomaali ah oo afar ka mid ah ay ahaayeen dhalinyaro aad u da’yar oo gobolo kala duwan oo Marykanka ah ka socday. Warbixinta abaar marintaasi halka hoose ka dhageyso.