Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sirdoonka Puntland oo Xiray Macalim Iskuul


Sirdoonka Puntland oo Xiray Macalim Iskuul
Sirdoonka Puntland oo Xiray Macalim Iskuul

Ciidanka Sirdoonka Puntland ee loo yaqaan PIS ayaa magaalada Garowe ku xiray macalim dhigayay dugsi sare.

Ciidamada Sirdoonka Puntland ee beegsada dadka lagu tuhmo falalka argagixisinimada ayaa shalay magaalada Garowe ku xiray macalim iskuul.

Maamule ku xigeenka dugsiga sare ee al-Waaxa ayaa Cabdirabbi Cabdullaahi Axmed ayaa VOA u sheegay in ciidan ciidamo ay dugsiga yimaadeen xilli lagu jiray fasalada, ardayduna u fadhiyeen imtixaan, ka dibna qasab iyo qadaanqadis ku qaxaysteen macalim Cabdishakuur Xasan Maxamed, oo maadada sayniska ka dhigayay Iskuulka.

Maamule ku xigeenka ayaa sheegay inuusan garan karin ciidanka kaxaystey macalimkaasi iyo sababta ay u xireen.

Hase yeeshee xarigga macalimkaasi ayay wararka qaar sheegayaan inuu la xiriiro, ka dib markii uu saxaafadda gudaha uu ra'yigiisa kaga dhiibtay hoggaamiyihii al-Qaacida Osama bin Laden, oo isaga lagu dilay dalka Pakistan.

Maamulka Puntland ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo xarigga loo geystay macalimkaasi.

XS
SM
MD
LG