Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkii Lund oo Beri Bilaabanaya


Shirkii Lund oo Beri Bilaabanaya
Shirkii Lund oo Beri Bilaabanaya

Shir ka hadlaya hannaanka dawladnimo ee Soomaaliya ayaa berri oo Jimce ah ka bilaabmaya magaaladda Lund ee dalka Sweden

Halku-dhigga shirka Lund ee kalkan waa kaalinta ay dimoqraadiyaddu ku leedahay hannaanka dowladnimada, iyo waliba siyaasadda kooxeysiga ku saleysan ee Somalia. Aqoonyahanno iyo siyaasiyiin daneeya, ama ka shaqeeya Somalia, ayaa saddex maalmood oo Jimcaha billaabaneysa, waxay isku dayi doonaan bal inay sharraxaan heerarka iyo duruufaha kala duwan ee colaadda Somalia, isla markaana waxay soo bandhigi doonaan siyaabo lagu dabiibi karo.

Masuuliyiinta la filayo inay khudbado ka jeediyaan shirka waxaa kamid ah: Axmedou Walad-Cabdallah, wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, Eng. Maxbuub Macallin, xoghayaha guud ee urur-goboleedka IGAD, wasiirrada arrimaha dibadda iyo gaadiidka ee DKMG ah, Cali Axmed Jaamac (Jengali), Prof. Maxamed Cabdi Gaandi, iyo wasiirka dhaqanka ee Djibouti, Cali Cabdi Faarax.

Waxaa kaloo shirka ka hadli doona masuuliyiin ka tirsan xafiiska siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, xubno matalaya ciidanka nabad-ilaalinta ee AMISOM, iyo tobaneeyo aqoonyahan iyo qalinle Soomaaliyeed ah, oo maadaama uu shirku yahay mid aqooneed soo bandhigi doona cilmi-baaris ay ku sameeyeen mowduucyada xasaasiga ah ee kala duwan ee Somalia.

Magaalada Lund waxay ka tirsan tahay gobolka Scanania ee ku yaalla koonfurta dalka Sweden. Waa magaalo aad u yar, marka loo eego magaalooyinka waaweyn ee Sweden, sida caasimadda Stockholm iyo Gothenburg. Laakiin waa magaalo qadiimi ah, oo wali leh astaama muujinaya inay ugu yaraan kun sano kahor magaalo aheyd.

Sababta shir-cilmiyeed ku saabsan Geeska Africa loogu qabanayo magaaladan waxaa inta badan mahaddeeda iska leh Jaamacadda Lund, oo kamid ah jaamacadaha ugu faca weyn dunida, lagu tiriyo inay kamid tahay kuwa ugu tayada wanaagsan, xagga aqoonta. Jaamacaddu waxay leedahay kulliyad iyo xarun weyn oo daneysa Geeska Africa.

Galabta Axadda ayaa lagu wadaa in shirka lasoo afjaro, iyadoo khudbadaha laga jeedinayana lagu ururin doono buug laga keydin doono shirkan.

XS
SM
MD
LG