Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kampala: Shirka Midowga Africa oo furamaya


Kampala waxaa maanta ka furmaya shirka Midowga Afrika. Qaraxyadii Kampala iyo xaaladda Somalia ayaa ka mid ah qodobbada laga hadlayo.

Magaalada Kampala waxaa maanta ka furmaya shirka waddamada ururka Midowga Africa. Shirkan ayaa ku soo beegmaya toddobaad kadib markii qaraxyo khasaaro dhaliyay ay magaaladaasi ka dhaceen.

Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay. dhamaan waddooyinka ka yimaada garoonka diyaaradaha iyo hotel-ka uu shirku ka dhacayo ayaa waxaa la dhigay ciidamada amniga iyo kuwa militariga Uganda.

Madaxda waddamada Afrika ayaa la filayaa inay shirkan uga hadlaan qoddobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin qaraxyadii Kampala iyo xaaladda murugsan ee Somalia.

Dalka Uganda ayaa la filayaa inuu madaxda waddamada Midowga Afrika ku caddaadiyo inay ka dhabeeyaan xal u helida arrimaha Somalia, isla markaana ay ciidamo ka socda waddamada Midowga Afrika u diraan Somalia.

Waddanka Uganda waxaa uu qeyb ka yahay howlgalka midowga Afrika ee Somalia ku sugan, wuxuuna qaraxyadii toddobaadkii hore dhacay kadib balanqaaday inuu kordhin doono ciidamada ka jooga Somalia.

Mid ka mid ah qoddobada ugu waaweyn ee shirkan ayaa la filayaa inuu noqdo in ciidamo gaadhaya ilaa 20 kun oo askari kana socda Afrika la geeyo Somalia, sidoo kalena qorshaha ama mandate-ka ciidamada AMISOM la baddalo, lagana dhigo kuwo awoodi kara inay weerarro ku qaadaan goobaha ay dagan yihiin kooxda Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee ku sugan Somalia.

XS
SM
MD
LG