Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shir Nabadeed oo ka Furmay Widhwidh


Deegaanka Wir Wir waxaa ka furmay shir nabadda kusaabsan, kaasoo ay ka qeybgaleen madax dhaqameedka iyo siyaasiyiinta Somaliland.

Waxaa deegaanka Widh Widh ka furmay shir nabadeed oo uu horey ugu baaqay madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo, si looga wadaxaajoodo arrimaha nabadgelyada.

Wasiirka xannaanada xoolaha Cabdi Aw-Daahir oo wafdiga dhinaca dowladda ayaa VOA u sheegay in shirkaasi uu ka dambeeyay baaqii madaxweyne Silaanyo, uuna yahay gogol Nabadeed, loogana hadli doono sidii loo mideyn lahaa shucuubta Somaliland.

Caaqil Maxamed Nuux Maxamed oo ka mid ah odayaasha deegaanka Widh Widh ayaa ku gacanseyray shirkaasi, isagoo sheegay inuusan ahayn mid ujeedadiisu aanay caddeyn.

XS
SM
MD
LG