Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shir ku Saabsan Saaxafadda Africa oo ka Furmay Holland


Cabdiweli Garyare
Cabdiweli Garyare

Shir uu soo qabanqaabiyay ururka saxafiyiinta Afrikaanka ah ee ay xaruntiisu tahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ayaa ka Furmay dalka Holland.

Shirkaasi oo lagaga arinsanayo xaaladaha ay ku sugan yihiin saxafiyiinta Afrikaanka ah ee ku sugan wadamada Yurub iyo waxa ay ka tari karaan saxaafada wadamadii Africa ee ay ka soo jeedeen.

Shirkan ayaa waxaa lagu soo marti qaaday ururada ay leeyahiin saxafiyiinta Afrikaanka ahi ee ka ji ra qaarada Yurub iyo ururada kale ee daneeya arimaha saxaafada Africa.

Dhinaca Soomaalida waxaa shirkaasi ka qayb galaya ururka horumarinta saxaafada ee Hayaan ee ay xaruntoodu tahay dalka Holland.

Xubnaha shirkaasi uga qayb galayana waxaa ka mid ah Abdiwali Ibrahim Gadhyare, waxaana uu VOAda u sheegay in arrimaha ugu muhiimsan ee inta uu shirku socdo lagu soo qaadi doono ay ka mid tahay kordhinta xirfadda saxafiyiinta Africa.

Sidoo kale waxaa kulankaasi la isku waydaarsan doonna xogta ku soo saabnsan siyaabaha looga hawlgali karo dhulka halista ah .

Qaybta hoose ee booggan ka dhegayso waraysi uu wariyaha VOA-da ee Yurub Abdisalam Hereri oo London jooga uu khadka telefoonka magaalada Amstardam kula yeeshay Abdiwali Ibrahim Gadhyare.

XS
SM
MD
LG