Arbacadii lasoo dhaafay, waxaa carriga boqortooyada Sucuudiga ku geeriyooday Dr. Max’ed Sayid al-Tantawi, oo ahaa sheekha Azhar, marna ahaa muftiga dalka Masar.
Dr. Maxamed Sayid Al-Tantawi, waxaa lagu tiriyaa inuu kamid ahaa culimada ugu waaweyn caalamka Islaamka qarnigan, hadduusanba aheyn caalimka koobaad. Allaha u naxariistee, Sheekhu wuxuu sanadihii ugu dambeeyey waday olole ballaaran, oo uu qaab diini ah kula lagdamayey fikirka jihaadiga ah, ee colaadda iyo dagaalka ku saleysan ee ka hana-qaaday meelo badan oo kamid ah caalamka Islaamka.
Wuxuu ahaa caalim lagu yaqaanno afkaartiisa iyo iftooyinkiisa dhex-dhexaadka ah. Geeridiisu waxay dhab ahaan meesha ka saareysaa furin ama aag xagga fikirka ah, oo u dhaxeeyey culimada Muslimiintooda intooda badan, iyo kuwa laga tiro badan yahay, oo dagaal-u-joog ah.
Ardayda u xareysatay Sheikh Tantawi, waxaa kamid ah: Dr. Max’ed Maxamud Max’ed, oo shahaadada PhD-da ka qaatay Jaamacadda al-Azhar, oo ah goobta uu Sheekhu arday iyo macallin-ba kasoo noqday.
Tacsida loo dirayo sheekha ayaa isaga kala imaaneysa meelo badan oo kamid ah caalamka. Ururka ay ku mideysan yihiin dalalka Islaamka, ayaa hadal uu kasoo saaray xafiiska xoghayihiisa guud, Dr. Akmaluddin Ixsan Oglu, waxaa Sheikhul-Azhar lagu sifeeyey inuu ahaa mid kamid ah tiirarka uu ku qotomo caalamka Islaamka. Xitaa dalalka aan Muslimiinta aheyn ayaa sheekha tacsi la gaaray. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, oo maanka ku heysa hadalkii uu Sheekhu ku cambaareeyey falalkii argagixiso ee September 11-keedii, iyo waliba sida uu Sheekhu Jaamacadda Qahira ugu soo dhaweeyey madaxweyne Obama sanadkii hore, ayaa ku sifeysay inuu ahaa caalim la tabi doono.
Ubadkiisa ka sokow, Sheekhu wuxuu ifka kaga tagay keyd Islaami ah oo baaxad weyn, oo uu u hal-abuuray in ummadda Islaamku ka faa’ideysato, sida uu leeyahay Dr. Max’ed Max’ud Max’ed, oo mar arday u ahaa Sheekha.
Sida lagu yaqaanno culimada ijtihaadka, ama dadaalka aqooneed wax ku curisa, Sheikhul-Azhar, Allaha u naxariistee, kama marneyn inuu iftooday afkaar ay si weyn uga biyo-diideen culimo kale.
Allaha u naxiirstee, Sheikh Max’ed Sayid Al-Tantawi wuxuu sidoo kale aad uga shaqeeyey isu soo dhawaanshaha shacbiga kala diinta ah ee Masar, iyo waliba shucuubta caalamka oo dhan, isagoo ka qeyb galay shirar lagu sahminayey waxyaabaha ay Diimaha Rabbaaniga ah wadaagaan.
Isagoo ka qeyb galaya mid kamid ah shirarkaas oo ka dhacayay magaalada New York, ayuu Sheikhu si lama filaan ah u salaamay madaxweynaha Israel, Shimon Perez. Sawir lagu boobay gacan-qaadka iyo dhoolla caddeynta labada nin, ayaa lagu baahiyey bogagga Internet-yada, iyadoo ay si weyn uga caroodeen qaar badan oo kamid ah Carabta.
Laakiin Jawaabta Sheikhul-Azhar waxay noqotay inuusan New York u tagin inuu is-qarxiyo, ee uu u tagay inuu Islaamka iyo Muslimiinta buundo cusub u dhiso.