Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sharmaarke: waqtigii kama dhamaan xukuumadda


Sharmaarke
Sharmaarke

Ra'iisul-wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Sharmaarke ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin Nairobi kula qaatay Xildhibaanno Soomaali ah.

Ra'iisul wasaare Sharmaarke ayaa kulankaasi kadib wareysi uu siiyay laanta Af-Soomaaliga ee VOA ku sheegay in xildhibaannadaasi uu kala hadlay xaallada uu dalka Somalia ku sugan yahay iyo waliba safar uu dhawaan ku tagay dalka Liibiya.

Sharma'arke wuxuu iska fogeeyay in xukuumaddiisa xilligii ka dhamaaday isagoo xusay in axdiga KMG uusan si gaar ah uga hadleyn xukuumaddiisa. Ra'iisul wasaaruhu wuxuu soo jeediyay in si fiican loo raaco waxa ku qoran axdiga KMG.

Sharmaarke wuxuu iska fogeeyay in kulanka xildhibaannada ay kawada hadleen doodaha ay qabaan qaar ka tirsan xildhibaanadda ee sheegaya in xukuumaddiisa waqtigii ka dhamaaday.

Xubnaha baarlamaanka ayaa ra'iisal wasaaraha weydiiyay mushahar la'aanta haysata, wuxuuna u sheegay in wixii bishan ka danbeeya mushaharka xildhibaanadda Somalia ay bixin doonaan Midowga Europe kuwaasoo u soo marsiin doona hay'adda UNDP.

Wareysiga ay Caasho Cuud la yeelatay ra'iisul-wasaare Sharma'arke qeybta hoose ee qoraalka ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG