Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shariif Xassan oo eedeeyn loo soo jeediyay


Shariif Xassan oo eedeeyn loo soo jeediyay
Shariif Xassan oo eedeeyn loo soo jeediyay

War-Saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa eedeyn loogu soo jeediyay Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan Sh. Adan

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somalia ayaa sharci darro ku tilmaamay mooshinka qaar ka tirsan xildhibaannada Somalia ay ku dalbanayaan in raisal-wasaaraha cusub lagu ansixiyo codbixinta qarsoodiga ah.

War saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Axdiga DFKMG ah aanay ku caddayn hannaanka ay golaha baarlamaanku ugu codeeynayaan raíisul wasaare lasoo magacaabay, sidaasi darteedna ay tahay in dastuurkii 1960-kii loo noqdo, iyadoo la cuskanayo qodobkisa 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee oo dhigaya in: “ Golaha Baarlamaanku uu codka kalsoonida siiyo, ama ugu diido, raíisul wasaaraha iyo wasiirradiisa, hannaan mooshin qeexan ah oo lagu meel-marinayo cod-bixin hal-dheeri ah tirada xubnaha fadhiya madasha taas oo noqonaysa cod bixinta gacan taaga ah.

War saxaafadeedkaasi ayaa lagu dalbay in la meelmariyo oo la hirgalo mooshinka ay soo gudbiyeen 140-ka xildhibaan ee doonaya in gacan-taag wax lagu ansixiyo, sidoo kale aanu meel marin mooshinka kale, maadaama si toos ah uu uga horímaanayo qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii.

War-saxaafadeedkaasi ayaa eed loogu soo jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka, laguna sheegay in isagoon ka fiirsan uu soo saaray go’aan ah in hannaanka codbixinta qarsoodiga ahi uu dhaqan gallo, taasoo ku xusan qodobka 40-aad ee Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka. War Saxaafadeedkaasi ayaa lagu sheegay in qodobkan 40-aad ee Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka uu ku saabsan yahay marka loo codaynayo hindise sharci ee aanu ku saabsanayn kalsooni u qaadid Raysul Wasaare cusub iyo xukuumadiis toona.

War- saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in go’aanka guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan uusan ahayn mid sharci ah, kaddib markii uu fulin waayay qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, sidoo kale uu ka baaqsaday inuu u hoggaansamo, qodobka 30-aad, faqradda 6-aad ee Xeer-Hoosaadka, kaas oo si cad u qeexaya in mooshinkii ka horímanaya Shareecada Islaamka, Dastuurka 1960-kii iyo shuruucda kale ee dalka, inuu noqonayo mid aan waxba ka jirin.

War-saxaafadeedkaasi ayaa lagu xusay in guddoomiyaha Baarlamaanku uu ka baaqsaday inuu mudanayaasha baarlamaanka siiyo fursad ay uga doodaan labada mooshin, kaddibna ay fikraddooda cabbiraan, ama ay labada mooshin midka ay raacsan yihiin doortaan.

War-saxaafadeedkaasi ayaa lagu xusay in guddoomiyaha baarlamaanku uu si ula kac ah isaga indha-tiray dhaqanka soo jireenka ahaa ee siyaasadda Soomaaliya, kaas oo ahaa in raíisul wasaaraha aan la is hortaagin isagoo aan shaqaba billaabin.

Gaba-gabadii ayaa war- saxaafadeedkaasi ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somalia waxaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ugu baaqayo guddoomiyaha Baarlamaanka inuu sharciga ilaaliyo, isla markaana uusan iska hortaagin xildhibaannada Qaranka gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah.

XS
SM
MD
LG