Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shariif: Khilaafka si sharci ah ayaa lagu xaliyay


Madaxweyne Sh. Shariif
Madaxweyne Sh. Shariif

Madaxweynaha DKMG, Sheekh Sharif ayaa mar uu si kooban saxaafada u la hadlay maanta ka dhawaajiyay in khilaafka ka dhexjira baarlamaanka sharciga lagu kala saari doono

Madaxwaynaha Somalia Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in si sharciga waafaqsan lagu dhameeyay khilaafka ka dhex jira gudaha barlamanka Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif oo maanta si kooban uga hadlay khilaafka hadheeyey baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanada ay isku afgarteen in sharciga la tixgaliyo.

Hadalka Sheekh Shariif, waxaa ka horeeyey kulan gaar ah oo ay wada yeesheen madaxweynaha, ra’iisul-wasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamaanka. Kulankaasi ayaan saxaafada loo soo bandhigin wixii looga hadlay.

Khilaafka u dhaxeeya baarlamaanka Somalia ayaan wali xal loo helin, iyadoo tiro badan oo xildhibaanno ah ay wali ku adkaysanayaan in waqtigii uu ka dhamaaday guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, halka guddoomiyaha baarlamaanku isagu uu ku doodayo in wali uu waqti ka harsan yahay muddada xilkiisa.

XS
SM
MD
LG