Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shariif: Dagaal xal laguma gaarayo.


Madaxweyne Sh Shariif
Madaxweyne Sh Shariif

Madaxweyne Sh. Sharif Sh. Axmed ayaa fariin ku aaddan Ramadan wuxuu ugu baaqay kooxaha ka soo horjeeda inay hubka dhigaan, dagaalkana joojiyaan.

Madaxweynaha dowladda FKMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheikh Ahmed ayaa isagoo ku sugan magaalada Dubai ee dalka imaaraadka carabta waxa uu sheegay in aan wax xal ah lagu gaari karin dhiigga ruuxa muslimka ah oo la daadiyo.

Madaxweyne Shariif, wuxuu kuwa hubka sita u jeediyay baaq ah inay hubka dhigaan.

Hadalkaasi madaxwyenaha ayaa ka mid ahaa farriin ku aaddanayd bisha Barakaysan ee Ramadaan oo u diray warbaahinta.

Madaxweyne Shariif wuxu kaloo sheegay in loo gargaaro kuwa tabaalaysan, isagoo ugu baaqay kuwa hodanka ah inay gacan u fidiyaan dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u bislaadeen nabad iyo dawladnimo.

XS
SM
MD
LG