Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabab: Waan u aargudi doonaa Osama


Shabab: Waan u aargudi doonaa Osama
Shabab: Waan u aargudi doonaa Osama

Hoggaanka sare ee Al-shabaab ayaa kulan ay Afgooye ku yeesheen waxay ku hanjabeen inay u aargudi doonaan dilkii Osama Bin Laden.

Kulan ay shalay degmada Afgooye ku yeesheen hoggaanka sare ee ururka Al-shabaab ayay ku sheegeen inay u aargudi doonaan dilka hoggaamiyihii ururka Al-Qaacida Osama bin Laadin oo lagu dilay Pakistan.

Hoggaanka sare ee al-Shabab oo kulankaasi kula hadlay dadweyne fara badan ayaa ahaa kulankii ugu horreeyay ee ay goob fagaare ah ku qabtaan. Kulankaasi waxaa ka soo qebygalay G/kuxigeenka Sheekh Mukhtaar Roobow, Sheekh Fuad Shangolo, Hoggaamiyihii hore ee Xisbul-Islam, Xasan Daahir oo ku biiray Shabab.

Sidoo kale xubnaha kulankaasi goob joogga ka ahaa ee ka hadlay waxaa ka mid ahaa Cumar Xammaami oo loo yaqaan Abu-Mansour Al-Amriiki oo u dhashay Maraykanka iyo xubno kale oo ajanabi ah.


XS
SM
MD
LG