Wararka ka imanaya magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ururka Al-Shabab ay goor dhowayd magaaladaasi ku toogteen afar qof oo ay ku eedeeyeen inaybasaasiin yihiin.
Afarta qof ayaa la sheegay inay dhammaantood rag yihiin, waxaana la sheegay in lagu toogtay goob fagaare ah iyaga oo lagu eedeeyey inay u kala basaasayeen hay’adaha sridoonka ee Maraykanka iyo Itoobiya.
Al-Shabab ayaa sannadkii hore dad badan ku toogtay magaalada Baraawe kuwaasi oo ay ku edeeyeen basaasnimo.