Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG oo Goobo ka Qabsatay Al-Shabab


Askari ka tirsan ciidamada DKMG
Askari ka tirsan ciidamada DKMG

DKMG iyo AMISOM ayaa al-Shabaab ka qabsaday fadhiisimo ku yaalla Muqdisho, kaddib dagaal xooggan oo ay maanta si wadajir ah u qaaden.

Ciidamada DKMG iyo kuwa Amisom ayaa dagaal qorsheysan oo ay saaka ku qaadeen Al-shabaab, waxay la wareegeen goobo ay horey u haysteen Al-shabaab oo ay ka mid yihiin Isgoysyada Florenza, Siinaay iyo Maanaboolyo.

Inta la ogyahay ilaa 10 ruux ayaa ku dhintay dagaallada maanta, sidoo kalena 15 qof ayaa dhaawacyo soo gaadheen. Waxaa gubtay suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho kaddib markii ku dhacay madfac.

Afhayeenka AMISOM Paddy Ankunda ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in howlgalku uu yahay mid lagu doonayo in dowladdu ay isku ballaariso Muqdisho laguna baajiyo khatarta Alshaab si ay u fududaato in hay'adduhu ay gargaar gaarsiiyaan barakacayaasha Muqdisho ee abaaraha ka soo hayaamay.

Wararka u danbeeyay ayaa sheegaya in dagaalku fiidnimada caawa ah uu yara qaboobay, hasse yeeshee labadii dhinac ee dagaallamay ayaa gabalka uu ugu dhacay goobaha uu dagaalku maanta ka dhacay.

XS
SM
MD
LG