Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sh Shariif:Ciidanka Qaranku waa Isku Filanyahay


Sh Shariif:Ciidanka Qaranku waa Isku Filanyahay
Sh Shariif:Ciidanka Qaranku waa Isku Filanyahay

Madaxweyne Shariif oo waraysi siiyay VOA ayaa ka hadlay weerarka ay DKMG qaadi doonto iyo kaalinta ciidanka maraykanka iyo arrimo kale.

Madaxweynaha oo waraysi gaar ah siiyay laanta af Soomaaliga ee VOA ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha deeqda ay ku dhawaaqday dawladda Britain isaga oo tilmaamay qayb ka mid ah deeqdaasi ay DKMG ay ku bixin doonto nabadaynta .

Madaxweynaha DKMG ayaa shaaca ka qaaday in dawladdu fulinayso hawlgal milatari oo uu ku tilmaamay in uu yahay hawlgal nabadeed, isaga oo tilmaamay in ciidanka dawladdu ku filanyihiin nabadaynta caasimadda.

Sh Shariif ayaa tilmaamay in AMISOM ay ku ekaan doonaan shaqdooda rasmiga ah ee nabad ilaalinta.

Muddooyinkii dambe waxaa isa soo tarayay warar sheegaya in laga yaabo in ciidanka maraykanku gacansiin doonaan ciidanka dawladda hase ahaate Madaxweyne Sh Shariif ayaa arrintaasi meesha ka saaray isaga oo tilmaamay inanay jirin weli wax xaqiiqa ah oo uu arrintaasi ka sheegi karo.

Mar wax laga weydiiyay Lamaanaha u dhashay Britain ee afduubka loogu haysto Somalia ayaa waxa uu tilmaamay in ay arrintaasi ka wada hadleen Ra’iisal wasaaraha Britain, waxaana uu Madaxweyne Shariif tilmaamay in uu arrintaasi aad uga xunyahay isaga oo ugu baaqay kooxaha gacanta ku haya in ay sii daayaan.

XS
SM
MD
LG