Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sh. Shariif: Waa in la Iska Celiyo Cadawga


Madaxweyne Sh Shariif
Madaxweyne Sh Shariif

Madaxweyne Sh Shariif oo wareysi siiyay laanta Afsoomaaliga ah ee VOA ayaa tilmaamay in DKMG ay cidaan ahaan diyaar tahay waxaana uu ka hadlay Rabshadihii Nairobi.

Madaxweynaha DKMG ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay rabashadihii jimcihii ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ee ay ku dhinteen dad gaaraya 5 ruux.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisu ay cambaareyneyso rabshadihii ka dhacay magaalada Nairobi ee ka dhashay wadaad Muslim ah oo dowladda Kenya dalkeeda u diidan.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Muslimiinta diin ahaan laga rabo inaysan horseedin fidno, Soomaalidana waxaa looga baahan yahay inay ka fogaadaan wax kasta oo dhibaato keeni kara sababtoo ah ayuu yiri Soomaalida waxay isugu jirtaa kuwo u dhashay dalka Kenya iyo kuwo yimid dalkaasi ee ammaan ku helay.

Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale sheegay in intii uu ku sugnaa magaalada Nairobi kulamadii uu la qaatay beesha caalamka inay uga wadahadleen sidii ay uga wadashaqeyn lahaayeen sidii loo heli lahaa xaalad ay hay’adaha samafalku uga hawlgeli karaan dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in dowladdiisu ay sameysay qorshe Ciidan oo ku wajahan dalka, isla markaana dowladdu ay u aragto in layska dhiciyo dad uu ku sheegay madaxweynuhu inay dalka ku soo duuleen.

Waraysiga Madaxweynaha ka dhegasyo midigta sare ee boggan.

XS
SM
MD
LG