Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sh. Gadhyare: Xilligan Doorasho kuma Habboona


Sh. Gadhyare: Xilligan Doorasho kuma Habboona
Sh. Gadhyare: Xilligan Doorasho kuma Habboona

Sh. Maxamed Axmed Nuur "Gadhyare" oo ah Aasaasihii Ururuka Al-Islaax ayaa sheegay inaysan ku habboonayn xilligan in doorasho la qabto

Sheekh Maxamed Axmed Nuur "Gadhyare" oo ka mid ah culimada ugu magaca-dheer Soomaaliya ayaa ugu baaqay hoggaamiyayaasha siyaasadda ee Soomaaliya inay marka hore ka shaqeeyaan maslaxada ummadda Soomaaliyeed oo aysan kusii jeedin oo keliya doorasho.

Sheekhu wuxuu sheegay inaysan ku habboonayn xilligan in doorasho la qabto. Sheekh Gadhyare, wuxuu uga digay ururrada diiniga ah ka qaybgalka siyaasadda xilligan taagan. Sheekhu wuxuu ururrada ugu baaqay sida uu hadalka u dhigay "inay boorsadooda meel cidlo ah ku furfuraan"

Wareysigan wuxuu kaloo Sheekh Gadhyare kaga hadlay kacdoonnada ka jira dalalka Carabta iyo dilkii Hoggaamiyihii al-Qaacida iyo saameynta ay reebi karto.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhageyso wareysiga Sheekh Max'ed Gadhayre.

XS
SM
MD
LG