Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sh. Aweys: Ma jiro wadahadal Fashilmay


Sh. Aweys: Ma jiro wadahadal Fashilmay
Sh. Aweys: Ma jiro wadahadal Fashilmay

Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuu sheegay in haddiiba uu jiro wadahadal u dhaxeeya iyaga iyo al-Shabaab wixii ka soo baxa ay ku dhowaaqi doonaan markay isla gartaan.

Hogaamiyaha kooxda Xisbul Islaam ee dalka Soomaaliya oo wareysi khaas ah VOA-da waxa uu kaga warramay arrimo kala duwan.

Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuu ka hadlay ciidamada dheeraadka ah ee Midowga Afrika keenayo Soomaaliya iyo wadahada la sheegay inay u dhaxeeyeen kooxdiisa iyo al-Shabaab oo warbaahinta qeybteed baahisay inuu fashilmay.

Sheekh Aweys ayaa ugu horreyn si kulul u cambaareeyay ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya iyo ciidamada kale ee Midowga Afrika geynayo Soomaaliya. Wuxuuna ku tilmaamay inay dhibaato u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh Aweys ayaa sidoo kale beeniyay inay fashilmeen wadahadal la sheegay inuu u dhaxeeyay kooxdiisa Xisbul Islaam iyo kooxda kale ee al-shabaab, wuxuuna sheegay haddiiba uu jiro wadahadal in ay ku dhowaaqi doonaan wixii ka soo baxa marka ay isla gartaan iyaga kooxda al-Shabaab.

Dhanka kale mar wax laga weydiiyay aqoonta uu u leeyahay wadaadka Puntland ka soo jeeda ee ciidamada ku haysta degmada Galgala, Shiikh Maxamed Siciid Attam, ayuu wuxuu sheegay inuusan faah faahin ka haysan arrintaasi, haddana uusan dooneyn inuu ka hadlo.

XS
SM
MD
LG