Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sarkaal lagu Dilay Gaalkacayo


Sarkaal lagu Dilay Gaalkacayo
Sarkaal lagu Dilay Gaalkacayo

Alle ha u naxariistee waxaa maanta Gaalkacyo lagu dilay Korneel Maxamed Muuse Xasan (Ilka Dheere) oo ahaa taliyaha daraawiishta gobolka Mudug ee Punland

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheeegaya in maanta barqadii magaaaladaa lagu dilay Col. Maxmed Muuse Xuseen ( Ilka Dheere) oo ahaa Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Gobalka Mudug ee Maamulka Puntland xilli uu ku sugnaa Aagga Xera Dayax oo duleedkeeda ay ku suganyihiin dhinacada ay dowladdu la dagaalamayso.

Sida wararku sheegayaan, marxuumka ayaa dhanka kale ugu socday in uu u ku wargeliyo xabad joojin, waxaana lala dilay Marxuumka labo ka mid ah ilaaladiisa. Marxuumka ayaa watay gaarigiisa, isla markana ay la socdeen odayaal iyo ciidamada ilaalada gaarka u ah. Wararka ayaa sheegayain sarkaalka ay rasaas ku fureen kooxda ay dowladdu dagaalka kula jirto.

Dhanka kale xaaladda magaalada ayaa maanta deganayd iyadoo aysan dhicin dagaalo ka fool ka fool ah, inkastoo la maqlayey rasaas xiliyada qaar dhacaysa. Dagaalkii labada maalmood ee Gaalkacyo ayaa hakad geliyay ganacsiga iyo isu socodka Xaafadaha, waxaa kaloo qaybo badan oo magaalada kamid ah maanta ay ka muuqanayey dadka oo ka cararaya xaafadahooda iyagoo ka cabsanaya in dagaalka uu fido.

Inkastoo jiraan baaqyo loo kala dirayo dhinacyada Gaalkacyo ku dagaalamaya haddana weli miro ma dhalin dadaaladaasi.

XS
SM
MD
LG