Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Samafalayaal Lagu Dilay Matabaan


Samafalayaal Lagu Dilay Matabaan
Samafalayaal Lagu Dilay Matabaan

Saddex qof oo laba ka mid ah ay u shaqeynayeen hay'adda WFP ayaa maanta nin hubeysan uu ku dilay degmada Matabaan ee bartamaha Soomaaliya.

Saddexdan qof oo dhamaantood ah shaqaale Soomaali ah ayaa waxaa toogasho ku dilay nin hubeysan oo la sheegay inuu ka mid yahay horjoogayaasha xero barakacayaal ah oo ku taalla Matabaan.

Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa dilkan shaqaalahan. Saddexda qof ee la dilay ayaa laba yihiin shaqaalaha WFP, halka qofka saddexaadna uu la shaqeeyo NGO xiriir wadashaqeyneed la leh hay''adda WFP.

Weriyaha VOA ee Matabaan, Xuseen Dhaqane ayaa ku soo warramaya in ninkii dilka geystay ay gacanta ku dhigeen ururka Ahlu Sunna ee ka taliya degmada Matabaan, waxaana haatan ninkaasi lagu hayaa xasbi ku yaalla Matabaan.

XS
SM
MD
LG