Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saameynta Dilka Fazul


Waxaa laysweydiinayaa saameynta uu yeelan karo dilka hoggaamiyihii al-Qaacida ee Bariga Afrika, Fazul Cabdalla Maxamed.

Hoggaamiyihii al-Qaacidada Bariga Afrika ee dhowaan lagu dilay dalka Soomaaliya, Fazul Cabdalla Maxamed, waxa uu ku eedeeysnaa inuu door ku lahaa weeraro argagixiso oo ka dhan ah Maraykanka oo laga geystay dalka Kenya.

Haddaba Fazul sidee looga arkaa dalka Kenya, Kenyase maxay ka tiri dilkiisa. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faalooda siyaasadda, kana tirsan Jaamacadda Nairobi ayaa sheegay in qof la dili karo, hase yeeshee mabda’ aan si fudud meesha looga saari karin.

Waxaana suurtagal ah in kooxda al-Shabaab ay awoodeedu hoos u dhacdo.

XS
SM
MD
LG