Isku xirrada

War Deg-Deg ah

R/Wasaare Farmaajo oo la Kulmay Zenawi


R/Wasaare Farmaajo oo la Kulmay Zenawi
R/Wasaare Farmaajo oo la Kulmay Zenawi

R/wasaaraha DKMG, Max'ed Farmaajo ayaa Addis Ababa kula kulmay madax African ah oo uu ka mid yahay R/wasaare Zenawi

Ra'iisul-wasaarha DKMG, Max'ed C/laahi Farmaajo ayaa wali ku sugan magaalada Addis Ababa, wuxuuna uga qeybgalay kulan ay leeyihiin qaar ka tirsan madaxda caalamka oo looga hadlayo hannaanka Federaaliisamka.

Wasiirka arrimaha dibedda ee DKMG, Max'ed C/laahi Oomaar ayaa VOA u sheegay in Ra'iisul-wasaare Farmaajo iyo wafdigiisuba ay xalay iyo maantaba kulamo gooni-gooni ah la qaateen qaar ka tirsan madaxda dalalka Africa oo uu ka mid yahay, madaxweynaha Rwanda, Madaxweynaha Sudan iyo raisal-wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi.

Kulanka madaxda Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Somalia. Ra'iisul-wasaare Farmaajo ayaa Meles Zenawi uga xog-warramaya xaaladda Somalia iyo waliba qorshaha dowladda cusub ee Somalia ee ku aadan xal u helida Somalia.

XS
SM
MD
LG