Warkan ayaa ka soo baxay ciidamada reer Yurub ee la dagaalanka budh cad badeedda Somalida.
Markabkan ay manta soo furteen ciidamada Ruushku oo la yidhaahdo Moscow University ayaa badaha ku marayay calanka wadanka Liberia ee ku yaalla Afrikada Galbeed.
Waxaana uu ahaa nooca saliida qaada ayaa waxaa saarnaa 23 qof oo badmaaxayaal ah oo dhamaantood u dhashay dlaka ruushka,waxaanay budh cad badeedda Somalidu arbacadii shalay gelinkii hore ay ka qafaasheen meel 350 mayl dhinaca bariga ka xigta jasiirada Soqodara.
Markabkan ayaa markii ay qabsadeen budh cad badeedda Somalidu waxaa uu ka yimi wadanka Sudan waxaanu ku sii jeeday wadanka Shiinaha.
Sida uu sheeggay af hayeen u hadlay ciidamada reer Yurub ee la dagaalnka budhcad badeeda John Harbour markab kuwa dagaalka ah oo ay Ruushku leeyahiin oo la yidhaahdo Marshal Shiposhnikov ayaa u soo dhawaaday markabkan la af duubay kadibna waxaa rasaas ku soo furay budh cad badeedda Somalida, waxaana halkaasi ka bilaabmay tacshiirad la is waydaarsanayay waxaana markii dambe is dhiibay budh cad badeedii Soomalida ahayd.
Shaqaalahii saarnaa markabkan ay ciidamada Ruushku soo furteen ayaa dhamaantood ka nabad galay weerarkaasi iyaga oo shaqaalahu markii markabkooda la qafaashay isku soo xidhay makhsin ay ku badbaadaan oo isla markaasna cilad geliyay markabka si aanu meelnaba ugu soconin.
Ciidamada Ruushku waxaa ay soo qabqabteen toban nin oo ahaa budh cad badeedii markabkaasi haysatay,waxaana haatan lagu hayaa markabka dagaalka ee Ruushka waxaana la sheeggay in la gayn doono dalka Ruushka si maxkamad loogu soo taago.
Markabkan Moscow University ayaa waxaa uu siday saliid dhan 80.000 tan oo saliid ah oo uu qiimaheedu dhan yahay 50 Million Dollar .
Ciidamada Ruushka ayaa goor hore oo maanta khamiis ah soo furtay markab kuwa saliida qaada ah oo ay budh cad badeedda Somalidu ka qafaasheen meel u dhaxaysa xeebaha Somalia iyo Yemen.