Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rowlings: Waa inaan Hawl-Qabad Muujinaa


Rowlings: Waa inaan Hawl-Qabad Muujinaa
Rowlings: Waa inaan Hawl-Qabad Muujinaa

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Jerry Rowlings, ayaa ugu baaqay madaxda dowladda KMG ah inay wax qabad muujiyaan.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Jerry Rowlings, ahna madaxweynihii hore ee dalka Ghana, ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Muqdisho, halkaasoo uu kula kulmay madaxda dowladda KMG ah.

Kulanka ka dib ayaa shir jaraa’id oo ay wada qabteen waxaa ugu horreyn ka hadlay Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in kulankii ay la yeesheen wakiilka Midowga Africa, Mr. Rowlings uu ahaa mid taariikhi ah, ayna uga wadahadleen heshiiskii Kampala, Xaaladda guud ee Amniga iyo abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Wakiilka Midowga Africa Jerry Rowlings ayaa isagana dhinaciisa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay imaatinkiisa Muqdisho, isagoo ku tilmaamay booqashadiisu inay tahay mid uu la soo raagay.

Mr. Rowlings ayaa sheegay in imaatinkiisu uu salka ku hayo si uu ugu kuur galo xaaladaha abaareed ee ka jira dalka Soomaaliya, si aan faah faahin uga siiyo ayuu yiri madaxda qaaradda Africa.

Waxa uu sheegay in beesha caalamku aysan indhooda ku eegan doonin dhibaatada ka jirta Soomaaliya ee sababtay amni darrada iyo gaajada, iyo colaadaha ka jira gudaha dalka ee u dhaxeeya qabaa’ilka qeybtood.

Waxa uu sheegay in ciidamo ka tirsan midowga Africa ay u joogaan Soomaaliya sidii loo joojin lahaa deganaansho la’aanta ku ragaatay Soomaaliya. Waxa uuna sheegay inaan la aqbali doonin in deganaansho la’aantu ay ka sii socoto Soomaaliya.

Waxa uu sheegayo inuu rajeynayaa in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qaran, taasi oo uu sheegay inay ku iman karto oo keliya, marka la xaqiijiyo nabadgeliyada.

Waxa uu ugu baaqay mas’uuliyiinta dowladda inay sameeyaan dadaal kasta oo lagu gaari karo mustaqbalka horumarka iyo waxqabadka la hiigsanayo.

XS
SM
MD
LG