Madaxweynaha Jamhuuriyadda la baxday Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa qudbad uu u jeediyay warbaahinta kaga hadlay qarraxyadii dhawaanahan ka dhacay Laas-Caanood. Rayaale wuxuu sheegay in dhibaatada ka jirta gobolka ay Somaliland saameysay.
Madaxweyne Rayaale wuxuu sheegay in duruufaha ka jira gobolka sida burcad-badeedda iyo argagixiso ay sidoo kale soo gaadhi karaa Somaliland, wuxuuna ugu baaqaan dadka Somalinad inay feejignaadaan oo Somaliland ka ilaaliyaan waxa uu ugu yeedhay “dagaallo badan oo Somaliland lagula jiro”
Daahir Rayaale, wuxuu sheegay in guddiga doorashooyinka Somaliland ay u xilsaaran yihiin qabsoomida doorashada, isagoo beeniyay in arrimaha doorashada ku saabsan ay xukuumadiisa gacanta ugu jirto.
Madaxweynaha Somaliland, wuxuu sheegay in Somaliland ay ka tashadaan una diyaargaroobaan dhowr doorasho oo ku soo fool leh jamhuuriyadaasi.
Madaxweyne wuxuu iska fogeeyay warar sheegaya in jaziirad ku taalla Somaliland ay xukuumadiisu iibisay, balseu Rayaale wuxuu ku dooday in xukuumaddiisu ay cid-walba siin doonto dhul ama deegaan haddii ay maalgalinayaan shuruudahana dalka u yaalla ka soo baxayaan.
Warbixinta qudbada Daahir Rayaale, qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.