Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaare David Cameron oo Is-casilaya


Ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron ayaa ku dhowaaqay inuu is-casilayo kadib markii Britain ay u codeysay inay ka baxdo Midowga Yurub.

“Dadka British-ka ah waxay qaateen go’aan cad, oo ah inay raacaan waddo kale, sidaas darteedna dalka waxa uu u baahan yahay hoggaan cusub oo dhinacaas u jiheeya” ayuu Cameron ugu sheegay weriyayaasha banaanka xafiiska 10 Downing Street.

Cameron waxa uu sheegay in is-casilaaddiisa ay dhici doonto bisha October ee sanadkan.

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa sheegaya in go’aankan ay Britain uga baxeyso Midowga Yurub uu la macno yahay in Cameron uu luimiyey wixii uu ku shaqeynayey.

Ninka hoggaaminayey ololaha ah in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub, oo ah duqii hore ee magaalada London – oo Sidoo kale ka tirsan xisbiga Cameron ee Muxaafidka – ayaa la filayaa inuu noqodo ra’iisul wasaraaha cusub.

Ayada oo inta badan codadka la tiriyey ayaa olaha ay Britain uga baxeyso Midowga Yurub waxa uu ku guuleystay 51.89%.

XS
SM
MD
LG