Isku xirrada

War Deg-Deg ah

R/W Dalka Turkiga oo Muqdisho Booqday


R/W Dalka Turkiga oo Muqdisho Booqday
R/W Dalka Turkiga oo Muqdisho Booqday

Wafdi uu hoggaaminayo ra'iisal wasaaraha dalka Turkiga, Recep Dayim Erdogan ayaa maanta ka degay magaalada Muqdisho.

Ra'iisal wasaaraha dalka Turkiga Recep Dayib Erdogan iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Ra'iisal wasaare Erdogan waxaa Muqdisho ku soo dhoweeyay madaxweynaha DKMG ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo ra'iisal wasaaraha xukuumadda Prof. Cabdiweli Maxamed Cali.

Wafdiga Erdogan waxaa ka mid ah marwadiisa iyo saddex caruur ah oo uu dhalay, ra'iisal wasaare ku xigeenkiisa, wasiiro, xubno ka tirsan baarlamaanka, dhakhaatiir iyo fanaaniin.

Mr. Erdogan oo u kuur galaya xaaladda abaarta iyo macluusha dalka Soomaaliya, ayaa tegay xeryo ka mid ah xeryaha barakacayaasha la dejiyay ee magaalada Muqdisho, halkaasoo dadka qaarkii lacago kaash oo doollar ah, dhar iyo cunnooyin nafaqeysan uu gacantiisa ku guddoonsiiyay.

Turkiga waxa uu ka mid yahay dalalka Soomaaliya soo gaarsiiyay deeq loogu talagalay abaaraha.

XS
SM
MD
LG