Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisal Sharmarke oo Baarlamaanka Hortagay


Ra'iisal Sharmarke oo Baarlamaanka Hortagay
Ra'iisal Sharmarke oo Baarlamaanka Hortagay

Ra'iisal wasaaraha DFKG Somalia oo dhowr maalmood ka hor mooshin xukuumadiisa ka dhan ah la soo gudbiyey ayaa baarlamaanka horyimid.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’ake ayaa maanta hortagay baarlamaanka KMG ee Soomaaliya isaga oo ka jawaabay codsi kaga yimid xildhibanada qaar oo mooshin ka dhan ah xukumadiisa soo gudbiyey. Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in lala xisaabtamo.

Ra’iisal wasaaruhu waxa uu intaas raaciyey in kalsoonida ay ku shaqeynayaan ay tahay tan baarlamaanka, isaga la’aantiisana aaney xukumadu shaqeyn karin isaga oo xildhibaanada ka codsaday isku duubni si looga badbaado kala qoqobnaanta jirta. Raiisul wasarahu waxa uu Beesha caalamka ku eedeyay inaysan qorshe cad ah ka lahayn dalka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Inkasta oo raiisul wasaarahu baarlamaanka hor yimid, haddana xildhibaanadii moshinka ka keenay kama aysan soo qeyb galin kulankii baarlamaanka ee maanta taasoo yareysay su’aalihii Ra’iisal wasaaraha la weydiin lahaa culays badanna ka yareysay.

XS
SM
MD
LG