Iska hor-imaad ayaa maanta dhexmaray qaxootiga Soomaalida ee Xerada Dhagaxley iyo Boliiska Keny. Iska hor-imaadkna ayaa bilowday kaddib markii ciidamada Kenya ay burburiyeen guryo ay dhiseen wadaaddo ka tirsan dariiqada Suufiyada.
Laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen iska horimaadkan iyadoo sidoo kale 7 qof ay dhaawacyo soo gaadheen. Cabdullaahi Bile Maxamed oo ka mid ah mas’uuliyiinta xeradaasi ayaa VOA-da uga warramay sida ay u dhaceen.