Qoyska nin Soomaali ah oo haysta dhalashada dalka Britain ayaa sheegay in uusan lahayn dambiga lala xiriirinayo Maxamed Cali Jaamac oo lagu xiray gegida diyaaradaha ee magaalada Schiphol ee dalka Holland.
Ciidamada ammaanka ee magaalada Amsterdam ayaa subaxnimadii Axadda ahayd ku qabtay Maxamed Cali Jaamac isagoo u dhoofi rabay dalka Uganda.
C/risaaq Cumar Xasan oo ay ehel yihiin Maxamed Cali Jaamac oo u warramay VOA-da ayaa sheegay in ninkaasi uu ugu socday dalka Uganda arrimo isaga u gaar ah.