Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qodobo ka Soo Baxay Shir ka Dhacay Nairobi


Qodobo ka Soo Baxay Shir ka Dhacay Nairobi
Qodobo ka Soo Baxay Shir ka Dhacay Nairobi

Shirka waxaa wada yeeshay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda kmg ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in shirkii ka dhacay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya looga wadahadlay arrimo muhiim u ah amniga iyo siyaasadda Soomaaliya.

C/raxmaan Cumar Cismaan (C/raxmaan Yariisow) oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegay in shirka ay si wadajir ah u guddoominayeen ra'iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo ergayga cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Augustino Mahiga.

Waxaa uu sheegay in shirka looga hadlay sidii loo heli lahaa dhaqaalaha ay u baahan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo dhowaan la filayo in ciidamo dheeraad ah lagu soo biiriyo.

Wasiirku wuxuu sheegay in sidoo kale laga wadahadlay sidii looga hortegi lahaa in dhib dambe loo geysto shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka warfaafinta ayaa sidoo kale ka hadlay safarka madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ku joogo dalka Imaaraadka, wuxuuna sheegay inuu ku saabsan yahay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay boqorka dalkaasi.

Wasiirku wuxuu kaloo ka hadlay mowqifka ay dowladda KMG ahi ka taagan tahay dagaalada ka dhacay tuulada Galgala ee dhexmaray ciidamada Puntland iyo kooxo hubeysan oo uu wato wadaad la yiraahdo Sheekh Maxamed Siciid Attam.

Wuxuu wasiirku sheegay in dowladdu ay ka soo horjeedo in kooxaha taabacsan al-Shabaab ay khalkhal geliyaan amniga ka jira Puntland, isagoo intaa raaciyay in dowladda KMG ahi ay garab taagan tahay Puntland.

XS
SM
MD
LG