Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: Lacagtii Gargaarka Somalia Kala-bar Waa la Hayaa


Mark Bowden oo Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca gargaarka ayaa sheegay in 56% ay heleen lacagtii lagu gargaari lahaa Somalia.

Sarkaalka Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa ugu qaabilsan gargaarka aadminimada ah ee dalka Somalia Mark Bowden, isla markaasna ah xiriiriyaha hawlaha gargaarka ee dalka Somalia ayaa waxaa uu sheegay in ay hay’adaha Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaa ay ilaa hadda heleen 56% ka mid ah lacag dhan $600 milyan ee loogu baahan yahay in wax lagaga qabto dhinacyada ay baahida aadka u wayni ka jirto ee kala ah caafimaadka, biyaha, nadaafada, nafaqada, iyo kaabayaasha dhinaca nolosha oo ka soo kabanaya abaaraho iyo sanado badan oo ay qas iyo jaha-wareer ka jireen dalkaasi, walina dagaalo ka socdaan.

Mark Bowden ayaa ku sheegay shir jaraaid oo uu shalay ku qabtay magaalada New York in xaaladaha ka jira wadanka Somalia lagu tilmaami karayo in ay caruurta Somalida haysato nafaqo daro ba’ani, dadkana ay ka dhinteen xoolahii noolaa iyo waxyaabahii kale ee ay noloshooda ka soo saari jireen. Waxa kale oo uu sheegay in wali ay dadku bara kacayaan kuwaas oo ay sababayaan iska hor imaadyada wali sii socda ee u dhexeeya ciidamada dawlada iyo kooxaha islaamiyiinta ah ee xag jirka ah.

Mark Boden waxa uu sheegay inuu dgaalku uu dalka Somalia ka dhigay inuu ka mid noqdo wadamada ay dadka ugu faraha badani ku bara kacaan ee aduunka, kaasoo dad lagu qiyaasay 1,400,000 oo qofi ay ku bara kaceen dalka gudahiisa halka dad gaadhaya 595,000 qofina ay qaxooti ahaan ugu nool yihiin wadamada ay Somalia deriska yihiin.

Mark Boden waxa kale oo uu sheegay in dadkaasi badankooda ay bara kiciyeen dagaalada ka dhacaya magaalada Mogadisho oo bishii June ay bara kaceen 20,000 oo qofi. Halka sanadkana dad lagu qiyaasay 200,000 oo qofi ay ka bara kaceen magaalada Mogadisho

Mark Boden waxa uu intaas raaciyey in dad gaaraya 3000 oo qof ay tan iyo bishii march ku riiqdeen dagaaladaasi. Mark Bowden waxa uu sheegay inuu rajaynayo in la yareeyo saamaynta ay dagaaladu ku yeelanayaan dadka rayidka ah. Inkasta oo ay xaaladu sidaasi tahay, sida Mark Bowden sheegay, hadana wararka Somalia ka imanayaa ma aha qaar wada xun. Guulaha waawayn ee la gaaray ayaa Mark Bowden waxaa uu sheeggay in ay ka mid tahay in ay Somalia ka fayawdahay cudurka Polio ee dadka naafeeya, inkasta oo uu cudurkaasi dib uga dilaacay dhawr wadan oo Afrikaan ah. Waxaana taasi ugu wacan buu yiri biyo nadiif ah oo ay helaan dad ay tiradoodu dhan tahay 1.3 million iyo talaalka oo la sameeyey, talaalkaasi oo xitaa laga sameeyey meelaha ay xaaladahoodu kacsan yihiin

Mark Bowden waxaa uu warbixintiisa ku soo gabagabeeyay in ay Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa u suurta gashay in ay maamulaan hawlgalada gargaarka aadminimo iyada oo xaaladaha jiraa ay yihiin qaar aad iyo aad u adag oo ay ka mid yihiin in ay qaybo badan oo wadanka Somalia ka mid ah ay haystaan kooxo dawlada ku kacsan halka qaybo kalena ay wali dagaalo ka socdaan.

XS
SM
MD
LG