Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo Mar kale ka Dhacay Muqdisho


Qaraxyo Mar kale ka Dhacay Muqdisho
Qaraxyo Mar kale ka Dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 3 oo laba caruur yihiin midna askari yahay ayaa ku dhintay qaraxyo dheeraad ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay degmada Wardhiigley, wuxuuna qarxay kaddib markii caruur uu ku qarxay waxyaabo ay ku ciyaarayeen.

Qaraxa labaadna oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday baabuur ay saarnaayeen ciidamada dowladda oo marayay meel u dhow jaamacadda ummada.

Qaraxyadan ayaa imanaya 48 saacadood kaddib markii qaraxyo ay ka dhaceen Muqdisho kuwaasoo ay ku dhinteen 6 qof, 10 kalena ku dhaawacmeen.

XS
SM
MD
LG