Inkabadan 25 ruux ayaa ku geeriyootay 60-kalena way ku dhaawacmeen markii labo qarax ay maanta ka dhaceen masjid ku yaala qeybta Cabddalla Shideeye Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxyadan oo ahaa miino masaajidka lagu aasay ayaa lala damacsanaa saraakiil ka tirsan Alshabaab oo masaajidka ku sugnaa waqtigaasi sida ay VOA-da u xaqiijiyeen mid ka mid ah dadka halkaasi ka dhawaa.
Saraakiisha Al-Shabaab ee dhaawacu soo gaaray waxaa ku jira Sh. Fu’aad Maxamed khalaf Shangole, balse lama oga inta uu le'eg yahay dhaawaciisa
Masaajidka uu qaraxa ka dhacay oo ku yaalla gudaha suuqa ayaa waxaa ka socday casharo diini ah iyo Muxaadarooyin ay akhriyaan saraakiisha Al-Shabaab oo uu ka mid yahay Fu'aad Shongole.
Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage "Cali Dheere" oo saxaafadda lahadlay qaraxaasi ka dib ayaa sheegay inay waqti hore ka digeen qaraxyadda noocan ah, wuxuuna ku eeedeeyay inay ka danbeeyaan Shirkada Shisheeye.
Dowladda Soomaalia ayaa qaraxaasi canbaareysay. Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in dowladda KMG aysan wax lug ah ku lahayn qaraxyadaasi.
Illaa iyo hataan ma jiraan Cid si toos ah u sheegatay Masuuliyada qaraxyadda manta oo ah midkii ugu horeeyay oo si toos ah loola eegto Saraakiisha Al-shabaab.