Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax laga Maqlay Duleedka Afgooye


Qarax laga Maqlay Duleedka Afgooye
Qarax laga Maqlay Duleedka Afgooye

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay inay cirka ku arkeen iftiin weyn, markaas ka dibna ay maqleen qarax weyn oo ka dhacay degmada Afgooye

Dad goobjoog ah oo Somalia ku sugan ayaa sheegay in qarax weyni uu ka dhacay meel u dhow goob uu ururka Alshabab maamulo oo ku taalla meel ka baxsan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in qaraxu uu Axaddii shalay ka dhacay degmada Afgooye oo 30km u jirta Muqdisho. Dadku waxay sharxeen in iftiin ay ku arkeen cirka ka dibna ay maqleen qarax weyn.

Militeriga Kenya ayaa ku hanjabay inuu qaadi doono weeraro dhinaca hawada ah oo uu la beegsanayo kooxaha ka dagaalama Somalia, laakiin Kenya ma aysan faalleyn qaraxan.

Afhayeen u hadlay militeriga Kenya ayaa sheegay in iska-hor-imaad Sabtidii Koonfurta Somalia ku dhex maray ciidanka Kenya iyo kuwa Alshabab uu keenay dhimashada sagaal dagaalyahaniinta ah, iyada oo afar ciidanka Kenya ahina ay dhaawacmeen. Afhayeenka ayaa sheegay in militeriga Kenya ay sidoo kale hub ka qabsadeen kooxda Alshabab, hubkaas oo ay ku jiraan gantaallo.

Dalka Kenya ayaa dhawaan howlgal militeri ka bilaabay Somalia, kaas oo uu ugu yeeray mid uu isku difaacayo. Kenya ayaa dhowr ruux oo dhinaca Kenya laga soo afduubay ku eedeeyey in ururka Alshabab uu mas’uul ka ahaa.

Militeriga ayaa sheegay in boqolaal dagaalyahan oo Alshabab ka tirsan la dilay, lana dhaawacay ilaa markii galitaanka Somalia uu bilowday.

XS
SM
MD
LG