Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo ka Dhacay Syria oo 31 Qof Lagu Dilay


Ugu yaraan 31 qof ayaa lagu dilay tobaneeyo kalena waa lagu dhaawacay magaalada ku taalla Woqooyiga Bari ee Syria ee Qamishli, kadib markii ay ka dhaceen laba qarax bam.

Kooxda fadhigeedu yahay Britain ee la socota arrimaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in mid ka mid ah weerarka la doonayey in lala beegsado dhisme dowladda ay leedahay oo xarun ah ciidamada amniga ee maamulka Kurdish-ka ee maamula magaalada Qamishli.

Kooxda Daacish ayaa mas’uuliyadda weerarka ku sheegatay bayaan ay soo saartay oo lagu daabacay wakaaladeeda wararka ee Aamaq, ayada oo sheegtay in lala beegsaday ciidamada Kurdish-ka.

Daacish ayaa waxa ay dagaal kula jirtaa maleeshiyada Kurdish-ka ee YPG, waxaana ay horey u fulisay dhowr weerar oo ka dhan ah kooxdan.

Bishii April waxaaa weerar lagu dilay lix ka mid ah ciidamada ammaanka Kurdish-ka ee loo yaqaan Asayish. Bishii July, ayaa sidoo kale qof ismiidaamiyey oo ka tirsanaa Daacish waxa uu weerar ka dhacay magaalada Hasaka ku dilay 16 qof.

XS
SM
MD
LG