Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxa Hotel Muna (Warbixin iyo Wareysiyo)


Gudaha Hotel Muna
Gudaha Hotel Muna

In kabadan 30 qof oo ay ku jiraan 6 Xildhibaan ayaa ku dhintay weerar iyo qarax ka dhacay Hotel Muna oo ku yaala Bartamaha Muqdisho.

Niman Dabley ah oo ku labisan direyska ciidamada DKMG ayaa maanta weerar ku qaaday Hotel Muna oo ku yaala bartamaha Muqdisho.

Hotelkan ayaa waxaa degan qaar ka tirsan Xildhibaannada iyo saraakiisha DKMG.

Dableydaasi hubeysan ayaa gudaha ugalay Hotel-kaasi, waxaa la sheegay inay rasaas ku fureen dhamaan dadkii halkaasi ku jiray. Wararka ayaa sheegaya in kadib rasaastaasi ay dablaydaasi is-qarxiyeen.

Dhimasha ilaa haatan la xaqiijiayay ayaa gaaraysa 6 xildhibaan, 5 saraakiil ka tirsan dowladda iyo 20 qof oo rayid ah oo isugu jira shaqaalaha Hotelka iyo dad rayid ah oo goobta hotelka ka dhawaa.

Tirada dhaawaca ee weerarkan ayaa gaadhaysa in ka badan 50 qof oo ay ku jiraan 5 xildhibaan.

Afhayeenka ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage ayaa warbaahinta u sheegay inay iyagu ka danbeeyeen weerarkaasi.

Qoraalkan hoostiisa ka dhagayso warbixin ka hadlaysa qaraxyadii Hotel Muna.

Sidoo kale Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso Wareysiyo aan la yeelanay laba xildhibaan oo ka mid ahaa xildhibaannadii ka bad-baaday weerarkii iyo qaraxyadii ka dhacay Hotel Muna.

XS
SM
MD
LG