Ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan ciidamada DKMG ayaa ku dhintay kadib markii qarax miino lala beegsaday bar koontarool oo ku taalla xaafadda Buulo-Xuubey ee Muqdisho.
Qaraxan oo ah nooca miinada dhulka lagu aaso,ayaa waxaa ku dhaawacmay 4 askari oo kale.
Laba caruur ah oo goobta qaraxu ka dhacay ag-marayay ayaa la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi.
Sidoo kale guddoomiyaha dowladda KMG ay dhawaan u magacowday gobolka Shabeellada Dhexe Cali Maxamud Cali Jowhar ayaa la sheegayaa in baabuur uu saarnaaa oo marayay wadada 21-octoobar ee degmada Waabari lala beegsaday qarax.
Qaraxaasi ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaadhay hal qof oo ka mid ah ilaalada guddoomiyaha.
Inkasta oo aysan caddeyn cidda geystay qaraxyadan, hadana ururka Al-Shabaab ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay inay iyagu ka danbeeyaan Qaraxyadan.