Isku xirrada

90 Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Kabul


Gaari xmauul oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa saaka ku qarxay qeybta diblomaasiyiinta ee magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 90 qof, in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Afghanistan Wahidullah Majroh ayaa tirada khasaaraha u xaqiijiyey VOA, waxaana uu sheegay in tirada dhimashada ay kor usii kici karto.

Qaraxa ayaa burburiyey bartamaha aagga Wazir Akbar Khan ee Kabul, oo xarun u ah howlgallada diblomaasiyeed ee dalalka shisheeye iyo xafiisyada dowladda.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in waxyaabaha qarxa lagu qariyey booyad biyaha qaadda.

Ma cadda bartilmaameedkii qaraxa illaaa iyo hadda, waxaana uu ka dhacay meel aan ka fogeyn safaaradda Jarmalka. Si kastaba, qaraxa ayaa burburiyey dhismo u dhowaa, oo xarun u ah shirkadda taleefonada ugu weyn Afghanistan ee Roshan.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, oo dadka magaalada Kabul ay ku sheegeen mid ka mid ahaa kuwii ugu dhimashada badnaa ee sanado badan ka dhaca magaalada.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG